Abwaanada Soomaaliyeed oo booqday abwaan Hadrawi oo ku xanuunsanayey magaalada Burco – DHEGEYSO

Dhawaan waxaa magaalada Burco gaaray wafdi ka socda Golaha Abwaanada Soomaaliyeed ee xaruntooda tahay magaalada Muqdisho.

Ujeedada socdaalka abwaanada ayaa ah sidi ay ay taageerro maaliyadeed u gaarsiin lahaayeen Abwaan Maxamed Ibrahim Warsame Hadrawi oo maalmahanba ku xanuunsanayey magaalada Burco.

Hadaba wariyaheena Nur Hassan Nur ayaa socdaalka wafdiga abwaanada iyo xaalada Abwaan Maxamad Ibrahim Warsame Hadraawi ka wareystay afhayeenka Golaha Abwaanada Soomaaliyeed, abwaan Cisman Cabdullahi Guure oo hadda ku sugan magaalada Burco.

Ugu horreynna waxa uu Abwaan Guure ka warramayaa waxa ay u tageen Burco?.