Dowladda Denmark oo sheegtay Qaxooti Somali oo gaaraya 100 ruux inay dib u celinayso

Dowladda Denmark ayaa waxa ay sheegtay in Soomaaliya ay dib ugu soo celineyso Qaxooti Soomaaliyeed oo tiradooda lagu qiyaasay 100 Qof.

Afhayeenka Sinnaanta Sinjiga iyo Is-dhexgalka ee magaalladda Enhedslisten ee dalka Denmark ayaa waxa uu sheegay Hay’adaha Socdaalka ee Dalka Denmark in ay wadaan qorshe dib loogu soo celinayo Qaxootiga Soomaalida ah ee ku sugan Denmark.

Sidoo kale waxa uu sheegay  Afhayeenka Qaxootiga marka dib u dejin loo sameeyo in ay heli doonaan badbaadin joogto ah iyo la socosho dheeraad ah.

Dowladda Denmark ayaa sheegtay dib u celinta Qaxootigan in ay timid kadib markii ay saadaalisay xaalada ammaan ee Soomaaliya in ay tahay mid la isku haleyn karo.

Qaramada Midoobay ayaa dhowr jeer oo hore waxa ay ka digtay in si Qasab ah lagu soo celiyo Qaxootiga ku nool Caalamka, waxaana ay sheegtay arrintaasi in ay tahay mid xad gudub ah.