Italy: Qaar ka mid ah 900 oo qaxooti oo laga soo badbaadiyay bada Mediterraneanka

Ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa sheegay in ay soo badbaadiyeen qaar ka mid ah 900 oo qaxooti ah oo ku xayiran doonyo ee hawlgallada ciidamada badda Mediterranean-ka.

Saraakiisha ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa sheegay in inta badan dadka qaxootiga ah laga soo badbaadiyay habeenimadii laba doonniyood oo alwaax ah oo wada safrayay xeebaha Libya iyadoo 40 qof laga soo badbaadiyay doon kale marka waagu beryay.

Dadka lasoo badbaadiayay ayaa isugu jiray Eritrean, Bangladesh, Pakistan, Somali, iyo Suuriyaan, oo ay la socdeen qoyskooda iyo carruurtooda oo ka imaadeen Liibiya.

Qaar ka mid ah 180.300 oo qaxooti iyo dadka magangalyo-doonka ah ayaa yimid Talyaaniga tan iyo sanadkan, ku dhowaad 14,000 oo ka badan tiradaasi sanadii 2015 islamarkaana jabisay rekoorkii 170,000 la diiwaan galiyay 2014, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha Talyaaniga.

Horaantii maanta, laanqeerta cas ee Liibiya ayaa sheegay in 11 maydadka laga helay xeebaha u dhow caasimadda, Tripoli, ee galbeedka dalka waqooyiga African.