Dowladda dhexe oo lacagtii ka joojisay Galmudug

d ka soo baxday xaafiiska hanta dhowraha guud ee Qaran ayaa dalbaday in la hakiyo habka kharash bixinta maamul goboleedka Galmudug markii laga reebo bixinta mushaharaadka shaqaalaha iyo kharashka kubaxaya ciidanka.

War-saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska hanti dhowrka ee Qaranka ayaa lagu yiri, “Waxaa nasoo gaartay warqad ka soo baxday  Senetarro ka tirsan golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka, kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay Galmudug taariikhdu markey aheyd 14-kii bishii 12-aad ee 2019, sidoo kale waxaa nasoo gaartey warqad kale oo ka soo baxday xaafiiska hanti dhowrka guud ee Galmudug oo ku taariikheysan 15-12-2019, 

“Warqadahaasi waxay ku wada saabsanaayeen habka loo maamulayo lacagaha dowladda federaalku ay siiso Galmudug oo tii ugu danbeysay ay aheyd $428,000(afar boqol labaatay iyo sided kun oo dollar) oo la sii yey Galmudug”.

“Hadaba xaafiiska hanta dhawrka guud ee Qaranku wuxuu ka codsanayaa hey’adaha ay warqadani sida tooska ah ugu socoto in la hakiyo wixii kharasha bixin ah oo dhan, taas oo ku wajahan maamulka Galmudug, markii laga reebo raashinka ciidamada, mushaharkooda iyo kan shaqaalaha rayidka, inta laga xaqiijinayo habka loo maamulay tii hore” ayaa lagu yiri warqad ka soo baxday xafiiska hanta dhowrka guud ee Qaranka.

Arintaan ayaa timid kadib markii ay dhawaan soo bexeen warar sheegaya in Accounka wasaaradda maaliyadda Galmudug sifo aan sharci aheyn looga bixiyey lacago badan, waxaana socda sida la sheegay baaritaano ku aadan cidda la baxday lacagahaas.

 0Share

Radio Kulmiye

 PREV POST

Barnaamijka Ogaal (04-01-2020)

NEXT POST 

Barnaamijka Ciyaaraha (04-01-2020Related NewsMore From AuthorSOMALI NEWS

Golaha Shacabka oo maanta meel mariyey sharci muhiim ah SOMALI NEWS

WARKA DUHUR (04-01-2020) SOMALI NEWS

Dalal ay ugu horeyso Kenya oo ka walaacsan saameynta dagaal ka qarxa Bariga Dhexe  PREV NEXT Leave A Reply

Your email address will not be published.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.