Sargaal Ka Tirsan Ciidamada Maamulka Puntland Oo Lagu Dilay Boosaaso

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay kooxo hubeysan ay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ugu geysteen sarkaal ka tirsan ciidamada maamulka Puntland.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Ciise Ducaale, kaas oo lagu dilay bartamaha magaalada Boosaaso, sida ay noo xaqiijiyeen dad ku sugan magaalada Boosaaso.

Kooxdii dilka u geysatay marxuumka ayaa goobta iskaga baxsatay, waxaana magaalada ka bilaawday baaritaano ay sameynayaa ciidamada booliska Puntland ee ka howlgala magaalada Boosaaso, kuwaas oo ilaa saakay ka socda qeybo ka tirsan magaalada.

Ma  jirto ilaa hada cid loo soo qabtay dilkaas oo ay soo bandhigeen laamaha amaanka Punland, waxaana mudooyinkii la soo dhaafay sii xumaanayey ammaanka magaalada Boosaaso.