Dowladda Indonesia Oo Maanta Markab sida Shixnad gargaar ah ku wareejisay dowladda Soomaaliya.

 

Deeqdaan ayaa ka timid dowladda Indonesia ayaa waxaa loogu tala galay dadka Soomaaliyeed ay Abaaruhu saameeyeen, waxaana dowladdaasi kala wareegay Wasaaradda Gargaarka  Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Munaasabadii  deeq wareejinta ayaa waxaa ay u mahadcelisay dowladda Indonesia oo sheegtay in ay garabtaagan tahay Shacabka Soomaaliyeed.

Maryan Qaasim ayaa sidoo kale waxa ay sheegtay in Shacabka Soomaaliyeed hadda ay u baahan yihiin Gargaarka ,iyadoona deeqdaasi si toos ah ugu Wareejisay Guddiga Gurmadka Abaaraha dowladda Soomaaliya.

Sheekh Bashiir Axmed Saalad oo ka mid ah Guddiga Gurmadka Abaaraha ayaa sheegay in dowladda Indonesia iyo sidoo kale Wasaaradda Gargaarka ay uga mahadceliyaan deeqdaan Maanta lagu Wareejiyay.

Gudoomiyaha Hay’adda ICT ee dalka Indonesia Axyaa Wudiin oo Faahfaahin ka bixiyay deeqdaan ayaa waxaa uu sheegay in deeqdaan ay iska soo aruuriyeen Shacabka dalkaasi , islamarkaana dowladda Indonesia ay diyaar u tahay in ay labo jibaarto Gargaarka ay siiso Soomaaliya.