Qarax sababay Khasaare dhaawacyo ah oo ka dhacay Magaalada Kismaayo

Sida ay sheegayaan wararka aan ka helayno Magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubbaland, qarax Khasaare gaystay ayaa ka dhacay Magaaladaasi.

Qaraxan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa lagu soo waramayaa in la galiyay dhabarka dambe ee Saldhiga ciidamada Booliska Magaalada Kismaayo.

Sarkaal ka tirsan ciidamada ayaa sheegay in qaraxaasi ay ku dhaawacmeen shan ruux oo shacab ah, uusana jirin khasaare kale oo ka dhashay.

“Darbiga dambe xerada waaye ee xerada gudaheeda ma’ahan, meel qashin ah bay ku duugeen, waxa ku dhaawacmayna ma’ahan ciidanka ee waa Shan ruux oo dhalinyaro ah oo darbiga taagnaa, iyagana Isbitaalka ayaa lagu daaweynayaa, wax dhimasho ah ma jiraan.” Ayuu yiri Afhayeenka ciidamada Booliska Jubbaland.

Xoogaga Shabaab ayaa qaraxyada miinooyinka ku aasa meelaha ay ku badan yihiin ciidamada si ay ugu waxyeeleeyaan ciidanka.