Dowladda Mareykanka oo sheegtay inay hakinayso wadahadalladii ay Ruushka kala laheyd arrimaha Suuriya

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay hakinayso wadahadalladii ay Ruushka kala laheyd arrimaha Suuriya.

Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka ayaa sheegtay in Moscow aanay ka soo bixin qodobadii heshiiskii bishii la soo dhaafay si loo dhaqangeliyo xabbad joojin iyo in la xaqiijiyo in gargaarka bini’aadamnimo halkaa la gaarsiiyo.

Wahadallada u dhexeeya Mareykanka iyo Ruushku in ay burburayaan waa la filayay, ka dib markii xabad joojintii burburtay laba todobaad ka hor, qalalaasaha ooganina sii kordhay.

Af-hayeen u hadlay Mareykanka ayaa ku eedeeyay Ruushka, inuu ku guul darraystay inuu xaqiijiyo in dowladda Suuriya xabbad joojinta dhawrto.

Waxaanu labada dowladoodba ku dhaleeceeyay inay weerareen isbitaalo, gargaarka bani’aadannimona xannibeen iyo inay bartilmaameedsadeen dad rayid ah.

Aqalka Cad ayaa sheegay in cid walba uu ka dhamaaday dulqaadkii ay u lahaayeen Ruushka.

Haweenay af-hayeen u ah Ruusha ayaa iyana sheegtay inay ka xuntahay go’aanka Mareykanka, waxaanay ku eedaysay inuu eedda ku soo riixayo Ruushka ka dib markii uu ka soo bixi waayay waajibkii ka saarnaa heshiiska xabbad joojinta.

Haseyeeshee, Mareykanka iyo Ruushku waxay hadal hayn doonaan hawl gallada ka hortagga argagixisada ee ay Suuriya ka fulinayaan, si ay uga fogaadaan inay isku dhac aan loo baahnayn iskaga horyimaadaan.