Hogaamiyaha Colombia oo isku dayaya inuu badbaadiyo heshiiskii nabadda

Madaxweynaha Colombia, Juan Manuel Santos, ayaa magacaabay koox ka kooban saraakiil sarsare oo dowladda ka tirsan si ay mucaaradka ugala xaajoodaan isbadello lagu sameeyo heshiiska nabadeed ee taariikhiga ah ee ay dowladdu la gashay fallaagada FARC, kaasi oo ay Axaddii diideen codbixiyayaasha.

Mr Santos ayaa hadalkaasi Bogota kaga dhawaaqay kaddib markii uu la kulmay hogaamiyayaasha axsaabta siyaasadeed.

Madaxweynaha Colombia, Juan Manuel Santos, ayaa laba wasiir iyo ninkii horkacayay ergada la xaajoonaysay fallaagada FARC, Humberto de la Calle, u magacaabay inay wada hadallo la galaan mucaaridka.

Waxay isku dayi doonaan in meel dhexe la iskugu yimaado si loo badbaadiyo hannaanka nabadda.

Hogaamiyaha kooxda u ololaynaysay in la diido heshiiskan oo ah madaxweynihii hore, Alvaro Uribe, ayaa dalbaday in wax laga bedelo qodobada heshiiska hadii la doonayo inuu taageero.

Sida ay dad badan oo Colombian ahi qabaan oo kale ayaa Uribe wuxu aaminsan yahay in dowladdu tanaasulaad badan u samaysay fallaagada.

Wuxuu doonayaa in kuwii geystay dambiyada culus lagu abaal mariyo xabsi iyo in mag dhaw fara badan oo la siiyo dadkii ku waxyeelloobay dagaalkan kontonka sanadood socday.