Dowladda Swedan oo xukun xabsi ah ku ridday koox gangs ah oo dhallinyaro soomaaliyeed ku jiraan

Maxkamadda magaalada Gottenborg ee dalkaasi Swedan ayaa maanta qaaday dacwaddii kama dambeysta aheyd ee dhallinyaro gangs ah kuwaas oo sano hore dil ka geystay baar lagu magacaabo Vår krog och bar oo ku yaal isla magaalada Gootenborg.


Dhallinyarada maanta la xukumay oo ay ku jiraan saddex soomaali ah ayaa waxaa lagu kala magacaabaa  Adam Abdulahi, Ahmed Warsame, Jonis Adan, Josef Hällgren, Onur Corap, waxaana ay iyagoo qori AK-47 ku hubeysan ay weerar ku qaadeen wiil 20-jir ah oo lagu magacaabay Petar Petrovic islamarkaana fadhiyay baarka Vår..

Booliska ayaanan ku guuleysan in ay maxkamadda hor keenaan caddenya labada ruux ee qoriga la galay baarka islamarkaana dilaka fuliyay.

Labada ruux ee ugu da`da weyb kooxda oo kala ah Adam Abdulahi (28-jir)  iyo Ahmed Warsame (25-jir) ayay maxkamaddu ku xukuntay xabsi daa`in, saddexda kalena maadaama da`doodu yartahay waxaa lagu xukumay mid 14-sano oo xarig ah.

Dhammaan shantooda waxa ay iska diideen xukunka lagu riday, waxaana ay sheegeen ineysan wax raad ah haba yaraatee eysan ku laheyn falkii ka dhacay baarka Vår 18-kii Maarso ee sanadkii tagay.

Qaar ka mid ah qareenada wiilasha ayaa goobta ka sheegay in ay racfaan ka qaadan doonaan xukunkan.