Maleeshiyaad ka wada tirsan Al-Shabaab oo ku dagaalamay Gobolka Hiiraan

Wararka aynu ka heleyno degaanka Shaw, oo hoostaga Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya, in ay halkaasi ku dagaalameen Laba Maleeshiyo oo ka wada tirsan Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid , markii ay Kooxda dhexdeeda isku qabsadeen Lagaco ay si xoog ah ka Uruursadeen Dadka ku dhaqan Tuulada Shaw iyo nawaaxigeeda, sida uu noo sheegay Wakiil-wareedka SONNA ee Gobolka Hiiraan.

Iska hor immaadka oo ahaa mid xooggan ayaa la sheegayaa in Dadka ku dhintay ay ku jiraan, Guddoomiyihii Al-shabaab u qaabbilsanaa deegaanka Halgan, Maxamed Cumar Bucshur iyo horjoogayaal kale.

Dhawaqa Hubka culus ee ay isu adeegsanayeen Al-Shabaab, ayaa laga maqlayay agagaarka Degmada jalalaqsi, waxanay Dadka deegaanka Shaw u sheegeen SONNA inuu jiro qasaaro badan oo Naf iyo Gaadiidba leh oo soo kala gaaray Maleeshiyadii halkaasi ku dagaalantay.

Degaanka Shaw ayaa lagu soo warramayaa iney weli ka jirto saansaan colaadeed iyo isu tabaabushaysi, maaddaama aan weli la xallin xurguftii soo kala dhex gashay Labada garab ee ka wada tirsan Kooxda Al-Shabaab.