Dugsiyada Maamulka HargeysaOo Markii Ugu Horaysay Lagu Baranayo Taariikhdii SNM Iyo Cidhib Dambeedka Buuga Taariikhda Ee Manhajka Cusub

Xukuumada Siilaanyo ayaa Somaliland keentay buugta cusub ee manaahijta Somaliland.Buugtani ayaa ah kuwo cusub isla markaana lagu sheegay kuwo la jaanqaadaya manaahijta Waxbarashada dugsiyada Somaliland oo dhamaan dugsiyada loo qaybinayo si ardayda dusiyadu wax uga bartaan.

Hadaba buugtani Soo Gaadhay Somaliland ayaa waxaa ka mida Buuga Taariikhda oo lagu xardhay Taariikhdii SNM isla markaana lagaga sheekaynayo dagaaladii iyo halgankii ay kula dagaalameen Maamulkii Milateriga Ee Somaliya.

Taariikhda SNM ayaa lagu xusay shaqsiyaadkii hogaamiyayaal u ahaa isla markaana buuga waxaa si wayn loogu amaanayaa inay dhaliyeen Somaliland dhamaana xoreeyeen dhulka Waqooyi ee beelaha kala duwani degan yihiin.

Buugani oo ka mida buugta waxbarashada Somaliland ayaa caruurta loogu dhigi doonaa dugsiyada waxaana la bari doonaa nuucyada ragii hogaaminayay SNM kuwaasi oo dagaalo ba,an iyo dhimashoba ka gaystay deegaanada darifyada Galbeed iyo Bari oo ay ku nool yihiin caruur ay SNM waalidkood dishay balse nasiib daro xukuumada Siilaanyo oo ah Kulmiye hogaaminayaana ragii odayaasha ahaa ee SNM kana dagalaamay  deeganada darifyada ayaa guul u arkay inay caruurtii ay agoonta ka dhigeen ay maantana baraan ragii dilay aabahayaashood oo ay deegaanadooda ku gaadhsiiyaan casharadaasi isla markaana waliba imtixaan kaga qaadi doonaan inay ku baaseen iyo inkale dhagarqabayaashii deeganadaasi dulmiga iyo dilka ka gaystay.

Asbuucani soo socda ayaa la filayaa in Magaalooyinka Awdal  Iyo Sool lagaadhsiin doono buugta manhajka Cusub ee Somaliland oo hubaal tahay in qaylo iyo buuq ka dhici doono.

Soo daabicidani buugani taariikhda dugsiyada lagu dhiganayo ayaa ka dhigan in siyaasiyiin beesha dhexe ka baxeen heshiiskii 1993kii ee Borama kaasi oo sheegaya inaan naafada dagaalkii sokeeye iyo Taariikhda midnaba qolo sheegan karin isla markaana taariikhdu tahay tan Somaliland oo lawada leeyahay.Balse bilo ka hor Hargeysa waxa laga taagay taalo loogu magacdaray mujaahidiintii SNM maantana waxaa dugsiyada lagu baran doonaa taariikhdii rag dhagar ka gaystay deegaano qaar oo caruur agoomeeyay taasi oo muujinaysa in waqooyi SNM xoog ku haysato.

Boramanews.com