Libaaxa oo la ogaaday in uu ka cabsado indhaha toos u soo fiirinaya – VIDEO

Tan iyo markii uu bani’aadamku bilaabay inuu dhaqdo xoolaha nool ayaa waxaa soo wajahayay weeraro ugaga imanayay xayawaanada duurjoogta ah ee uu libaaxu ka mid yahay,hase yeeshee waxaa haatan la helay tab loogaga hortagi karo in libaaxu uu si toos ah u soo weeraro lo’da oo kamid ah xoolaha aadanuhu uu dhaqdo.

Libaaxa ayaa waxa uu yahay xaywaanka ugu halista badan ee weerara xoolaha nool ha ahaadeen marka ay dibada joogaan ama marka ay xerooyinka ay xoola dhaqatadu u sameyso ku jiraan.

Aqoonyahan dhalinyaro ah oo ka shaqeynayay deegaanada miyiga ee dalka Botswana ayaa xal u helay in libaaxu uusan ku dhiiran inuu weeraro xoolaha,Neil Jordan ayaa arkay libaax doonayay inuu weeraro cawl hase yeeshee cowshii ayaa si toos ah u fiirisay libaaxii balse libaaxii ayaa ka jeestay iskana tagay. Arrintan ayuu Neil ka fekeray waxana uu ogaaday in indhaha tooska ah u eegay libaaxa ay ahayd sababta uu isaga daayay inuu weeraro cowsha.

Mr Jordan oo ka tirsan jaamacada  New South Wales ee dalka Australia. ayaa bilaabay inuu tijaabiyo in indhaha tooska ah ay xoolaha la dhaqdo ka badbaadin karaan.

Tijaabadiisii ugu horeysay ayuu Mr Jordan iyo kooxdiisa ayaa waxa ay ku sawireen indho qeyb ka mid ah xoolo ku nool waqooyiga dalka Botswana.

Natiijadii ayaa waxa ay noqotay mid dhiirigelin leh waayo libaax soo weeraray lo’ ayaa diley saddex kamid ah 39 lo’ ah oo 23 ka mid ah lagu sawiray indho. Saddexda neef ee uu libaaxu dilay ayaa waxa ay ka mid ahaayeen kuwii aan lagu sawirin indhaha.

Sanadkan ayuu Mr Jordan doonayaa inuu ku sii fidiyo barnaamijka indha ka cabsiga deegaano badan waxana uu mariyay sawirka indhaha illaa iyo lixdan xero oo ay ku jiraan xoolo badan. Sidoo kale Mr Jordan ayaa doonaya in uu sameeyo cilmi baaris sax ah si uu u ogaado faa’idada sawirka indhaha isagoo ku xiraya GPS ama qalabka sheega halka walaxi ay ka taagan tahay dhulka guudkiisa xoolaha uu ku sawirayo indhaha.

Hase yeeshee saynisyahano badan ayaa ka shakisan in barnaamijkan uu noqonayo mid sii waara iyagoo sheegaya in libaaxu uu yahay xayawaan caqli badan ayna dhici karto ugu dambeyn inuu fahmo qiyaanada.

Ururka caalamiga oo u dhaqdhaqaaqa ilaalinta waxyaabaha dabiiciga ah ayaa sheegay in tirada libaaxa caalamka ku nool ay hoos ugu dhacday  40% labaatankii sano ee la soo dhaafay.

Waxaa diyaariyay Maxamed A Caseyr