Erdogan: Shuruudaha Qatar lagu xidhay sharciga caalamiga ah ayey lid ku yihiin

Erdogan: Shuruudaha Qatar lagu xidhay sharciga caalamiga ah ayey lid ku yihiin 

Madaxweynaha TurkigaLahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Madaxweynaha Turkiga

Madaxweynaha Turkiga, Racep Tayyip Erdogan, ayaa yidhi shuruudaha ay Qatar ku xidheen dalalka Gacanka ee ay jaarka yihiin waa kuwo ka hor imanaya sharciga caalamiga ah, sababta oo ah buu yidhi waxay farogelin ku yihiin qaranimada dalkaas.

Qatar ayaa ku tilmaantay shuruudahaa oo ay ka mid yihiin in ay hoos u dhigto xidhiidhka ay Iran la leedahay, in ay xidho Tv-ga Aljazeera iyo in ay xidho saldhigga ciidamada Turkigu ku leeyihiin dalkaas kuwo aan suurtogal ahayn.

Todobaadkii hore ayaa Ankara waxay ballan qaaday in ay xoojin doonto ciidamada ka jooga Qatar. Waxa kale oo ay u dirtay markab cunto sida magaalada Dooxa oo ah xarunta dalka Qatar ee ay go’doomiyeen Sucuudiga, Imaaraadka Carabta, Baxrayn iyo Masar oo ku eedeeyey in ay maalgeliso argagixisada.