Wasiirka Arrimaha Dibbadda Garaad oo ka hadlay Saldhiga ay Turkiga ka furaneyso Somalia

Wasiirka Arrimaha Dibbadda Garaad oo ka hadlay Saldhiga ay Turkiga ka furaneyso Somalia

by hanad | Sunday, Jun 25, 2017 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Amaanay xarunta Tabarka Military ee Turkigu uu ka Furanayo Dalka Somaaliya, taas oo la Rijeeynayo in si Toos ah loo furo Bilaha Soo socda.

Xarunta Tababarka Military ee ay Aas-aaseen Saaxiibadeen turkigu, waxaaaa ay noqondoontaa xarun Tababar tii ugu Horeeysay ee ugu Habooneeyd Ciidamadda Soomaaliya, Taasi waa sababta ay aad inaga Muhiim inoo tahay” ayuu Yiri Wasiirka Arrimah Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar oo lahadlay wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu.

Waxaan Rijeeyneeynaa in Saldhigaani uu Xoojin doono Howlkarnimadda Ciidamadeena” ayuu yiri Wasiir Yuusuf.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad ayaa waxaa uu sheegay in uu isagu Booqday Saldhigga Casriga ah ee ku yaala duleedka Magaaladda Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Dibbadda Soomaaliaya ayaa sheegay in Bilaha Soosocda la furi doono Saldhigga Balse ma uusan sheegin Waqti Cayiman oo Furitaanka Saldhigaan loo Qorsheeyay.

Saldhiga Turkiga ee Dauleedka Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in uu yahay Saldhigii ugu weeynaa ee Wadanshisheeye uu Tutkigu ka dhisto.