Faaduma Dayib oo loo magacaabay Madaxa Haweenka Qaramada Midoobey ee Somalia

Faaduma Dayib oo loo magacaabay Madaxa Haweenka Qaramada Midoobey ee Somalia

by A M | Monday, Jun 19, 2017 

June 19 (Jowhar)— Faadumo Dayib oo mar ka mid noqotay Musharaxiintii Madaxweynaha Soomaaliya, balse markii dambe ka hartay Tartanka, ayaa loo magacaabay Madaxa Haweenka ee Hey’adda Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Faadumo Dayib ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo kula kulantay Xarunta Madaxtooyada, iyadoo ka mahad celisay qaabilaada iyo soo dhoweynta uu Madaxweynuhu u sameeyay.

Qoraal ay soo dhigtay Barteeda Facebook ayaa ku sheegtay inay ku faraxsan tahay la kulanka Madaxweynaha

Waxaa ay sheegtay inay si dhow ula shaqeyn doonto Madaxweynaha iyo dowladdiisa, waxayna sheegtay inay sharaf u tahay u tahay in Madaxweynaha ku wareejiso nuqul ka mid ah qorshaha waajibaadkeyga ee Xafiiska ay madaxda ka tahay.

Xafiiska ay madaxda ka noqotay ayaa qaabilsan awood siinta Haweenka iyo sinnaanta Jinsiga, iyadoo ka shaqeyn doonto barnaamijyada Haweenka ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.