Dad masaajid agtii ku sugnaa oo gaadhi lagu jiirsiiyay London

Dad masaajid agtii ku sugnaa oo gaadhi lagu jiirsiiyay London

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Nin ayaa dhintay toban kalena dhaawac ayaa soo gaaray ka dib markii “weerar argagixiso” lagu qaaday dad ka soo baxay masaajid ku yaalla magaalada London oo ay taraawiix ku tukanayeen.

Booliisku waxay sheegeen in siddeed ka mid ah dadkaas loola cararay Isbitaal qaarkoodna ay dhaawacyo halais ah qabaan ka dib markii ay ku dhaawacmeen “weerar argagixiso”.

Nin 48 jir ah ayaa loo xiray shil ka dhacay agagaarka masaajidka degmada Finsbury Park.

Dhacdadan ayay boolisku ku tilmaameen shil aad u weyn.

Shilkan wuxuu ka dhacay Wadada Seven Sisters. Ciddamada booliska ayaana goobtaas isku gadaamay.

Laamaha ammaanka ayaa la soo dhoobay goobta ay arrintani ka dhacdayLahaanshaha sawirka PA
Image caption Laamaha ammaanka ayaa la soo dhoobay goobta ay arrintani ka dhacday

Guddiga Muslimiinta ee Britain ayaa sheegay in gaari si qasad ah loo jiirsiiyay dad cibaadeysanayay.

Dadka dhacdadaasi ku waxyeeloobay ayaa la aamminsan yahay inay kasoo laabteen salaada tahajudka.

Adeega gawaarida gurmadka degdega ah ee London ayaa sheegay in goobta weerarku ka dhacay ay u direen tiro ka mid ah shaqaalahooda caafimadka.

Muuqaal baraha bulshada lasoo gelliyay dhacdada kadib ayaa muujinaya argagaxa goobtaasi ka dhacay iyadoo dadka halkaasi ku dhawacmayna loo gurmaday.

Goobta uu dhibku ka dhacayLahaanshaha sawirka PA
Laamaha ammaankaLahaanshaha sawirka Reuters
Booliska ayaa hadda ku sugan goobta uu shilku ka dhacayLahaanshaha sawirka