Faah-faahin ka soo baxeysa weerar Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Haluqa oo Garissa ka tirsan

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya dalka Kenya gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ayaa waxa ay sheegaayaan in Al-Shabaab ay Afduubteen shaqaale u shaqeynaayay Shirkadda Isgaarsiinta ee Safaricom ee dalka Kenya, islamarkaana ay bur-buriyeen xarumihii ay la heyd shirkadaasi ee ku yaallay tuulooyin hoos yimaada degmada Garissa.

Sidoo kale shabaab ayaa la sheegaya in ay weerar ku qaadeen iskuul ay arday u fadhiyeen imtixaan oo ku yaalla degmada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari.

Al-Shabaab ayaa muddo saacado ah gacanta ku haayay degaanka Haluuqa ee dalka Kenya, kadibna halkaasi waa ay isaga baxeen.

Qof ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegay in ciidanka Al-Shabaab ay bur-buriyeen Shirkadaha Isgaarsiinta ee ku yaalla degaanka.

Wali Saraakiisha ciidanka dowladda Kenya faahfaahin kama bixin weerarada ay Al-Shabaab ku qaadeen gobolka Waqooyi Bari.

Al-Shabaab ayaa weerarro is-daba joog ah ka gaysata gudaha dalka Kenya, waxayna weerarradaasi wadeen tan iyo intii dowladda Kenya ay ciidamada usoo dirtay Soomaaliya.