Donald Trump oo sheegay in uu isku waddi doono madaxtinimada iyo ganacsigiisa

Madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in sharciga dalkiisa u oggolaanayo in uu isku waddo ganacsigiisa iyo shaqada madaxtinnimada Maraykanka.Waxaa soo baxayay walaac laga muujinayo suurta-galnimada in ay labadaasi arrimood is khilaafi karaan marka uu Trump la wareego Aqalka Cad bisha Januray.

Madaxweynayaashii hore

Xubno ka tirsan Senetka Mareykanka ayaa sheegay inay ka shaqeyn doonaan soo saaridda qaraar ka dalbanayo madaxweynaha la doortay inuu dad kale ku wareejiyo ganacsigiisa, si looga baaqsado in madaxweynaha macaash ka sameeyo xafiiska.

Madaxweynayaashi hore ee dalka Mareykanka waxaa ay doorbideen in ay kala saaraan ganacsigooda iyo howlaha dowladda iyagoo howlahooda gaarka ah u dhiibtay dad ka madax banaan shaqooyinka dowladda.

Balse Donald Trump oo hadda maamulo in kabadan 500 oo ganacsi oo kala duwan waxaa soo food saari doono caqabado.

Weriye ka tirsan BBC-da oo ku sugan Washington ayaa sheegay inuusan jirin sharci ama xeer ku khasbayo Trump inuu meel iska dhigo howlahiisa gaarka ah. Waxaa haseyeeshee laga yaabaa in Trump uu wajaha cadaadis haddi uu ku guul dareysto in uu kala saaro danaha Mareykanka iyo tiisa gaarka ah.

Ugu danbeyntii, wareysi uu siiyay wargeyska The New York Times ayuu Trump ku sheegay in uu isku wadi doono maamulka dowladda iyo howlihiisa gaarka ah.

Xigasho BBC