Faah Faahino ka soo baxaya Qarax Qasaaro dhimasho Sababay oo maanta ka dhacay Muqdisho

Qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso ayaa saakay ka dhacay Suuq Xoolaha lagu iibiyo oo kuyaala Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, waxaana qaraxan ka dhashay qasaaro dhimasho iyo mid dhaawac.

Sida aan Wararka ku heleyno qaraxa ayaa ka dhacay Maqaayad la sheegay in ay fadhiisan jireen ciidamada Dowlada Soomaaliya gaar ahaan ciidamada canshuur uruurinta ka sameeya suuqa Xoolaha ee Xergo-dheere.

Inta la xaqiijiyay labo haween ah oo ku sugnaa maqaayada qaraxa la galiyay ayaa ku dhintay goobtaasi, waxaa sidoo kale dhaawacyo kale ay soo gaareen dad kale oo ka agdhawaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

Ciidamada Dowlada ayaa goobtaasi ugu gurmaday dadkii ay waxyeeladu kasoo gaartay qaraxa miino , mana jiro wax war ah oo ku aadan qaraxan oo kasoo baxay maamulka Degmada Kaaraan iyo laamaha amaanka