Golaha Wasiirada Soomaaliya oo War-murtiyeed kasoo saaray Duqeyntii shalay subax diyaaradaha Mareykanka ka fuliyeen duleedka magaalada Gaalkacyo – SAWIRO

Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ayaa War-murtiyeed kasoo saaray Duqeyntii shalay subax diyaaradaha Mareykanka ka fuliyeen duleedka magaalada Gaalkacyo kuna laayeen Ciidamo katirsan Maamulka Galmudug.

War-Murtiyeedka kasoo baxay Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ayaa looga tacsiyeeyay shacabkii iyo Ciidamadii maamulka Galmudug looga dilay Duqeyntii ka dhacday duleedka magaalada Gaalkacyo.

Goluha Wasiirada wuxuu walaac ka muujiyay sheegashada Puntland ee duqeyntaas, sidoo kale Goluhu wuxuu ka codsaday Dowlada Maraykanka inay sharraxaad waafi ah ka bixiso weerarkii ay diyaaradahooda ku qaadeen Ciidanka Daraawiishta Galmudug.