Faahfaahin Ka Soo Baxaysaa Dagaal Culus oo Gaalkacyo ka Dhacay Maanta – DHEGEYSI

24 qof ayaa dhintay, in kabadan 80 kalena way dhaawacmeen kadib markii maanta dagaallo culus ay Gaalkacyo ku dhexmareen ciidamada labada maamul. Dagaalkan ayaa imanaya iyadoo madaxda labada maamul ay Abu Dhabi ku saxiixeen heshiis xabbad-joojin ah.

Saraakiisha caafimaadka ayaa VOA u sheegay in 24 qof ee dhintay ay 18 yihiin askartii dagaalku dhexmaray, halka 6 kalena ay yihiin dad rayid ah.

Saraakiisha caafimaadku waxay kaloo sheegeen in cisbitaallada magaalada la soo gaarsiiyay 83 qof oo dagaalladan ku dhaawacmay.

Labada dhinac ayaa midba uu midka kale ku eedeynayaa inuu dagaalka bilaabay.

Madaxda labada maamul ayaa dhowr cisho ka hor heshiis xabbadjoojin ah oo ay dowladda Imaaraadku gar-wadeen ku gaaray magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka.