Germany: Weerar Bambaano oo lagu qaaday Masaajid ku yaal Dresden – VIDEO

Booliiska dalka Germany ayaa baaritaan ku wada weerar bambaano oo lagu qaaday Masaajid ku yaal magaalada Dresden iyo xarun ay ku shiri lahaayeen Jaaliyadda Muslimiinta Germany.

 

Qaraxa kowaad ayaa lala beegsaday mid kamid ah Masaajidada ugu waaweyn ee ku yaal magaalada Dresden, waxaana xigay qarax labaad oo ka dhacay xarunta shirarka lagu qabto ee magaaladaasi oo uu Salaasadii shalay ka furmayey shirweynaha Muslimiinta.

Cidna wax kuma noqon labada qarax ee ka dhacay magaalada Dresden.

Maamulka Dresden oo weeraradan ka hadlay ayaa sheegay in bilihii lasoo dhaafay ay sare usii kacayeen weerarada lala beegsanayo goobaha lagu cibaadeysto, waxayna sheegeen inay ku dadaali doonaan inay ka hortagaan falalka noocaan ah iyo sidii loo soo qaban lahaa kooxaha soo abaabulay weeraradii ugu danbeeyey.