Golaha ammaanka ee QM oo waqtiga u kordhiyay Xilli-Hawleedka howlgalka Midowga Africa ee AMISOM

-15-ka Xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM ayaa xalay isku raacay in muddo 1-sanno ah lagu kordhiyo Hawlgalka Midowga Africa AMISOM ee ka socda dalka Soomaaliya.

Xilli-hawleedka ciidamada AMISOM, ayaa waxaa uu ku ekaan doonaa bisha May 31-da ee sannadka soo socda ee 2018.

15-ka Xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM, ayaa si weyn kulankoodii xalay ugu falanqeeyay xaalladda ammaanka ee dalka Soomaalia iyo Hawlgalka AMISOM.

Golaha Ammaanka ee QM waxay kaloo xaqiijiyeen in la dhimo Tirada Ciiddanka AMISOM.

Goluhu waxay kaloo tilmaameen inay jiri doonto dhimis dheeraad ah, iyadoo Ciiddanka AMISOM ee tiradooda haatan dhan tahay 22,126 Askari lagu soo koobi doono 20,626 marka la gaaro bisha October 10-da ee sannadka soo socda.

Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa waxa hawlgalkoodu bilowday sanadkii 2007, markaasi oo dowladdii KMG ee Soomaaliya ay codsatay.

Inta badan ciidanka AMISOM waxa ay ka kala socdaan dalalka, Uganda, Burundi, Djibouti iyo Kenya oo dhawaan ku biirtay AMISOM, waxaa kale oo jira ciidan booliis ah oo ka socda dalal kale oo Afrika ah sida Nigeria.

Ciidanka Midowga Afrika ayaa waxa ay dagaal kula jiraan kooxda al-Shabaab ee Soomaaliya.