Malaayiin Muslimiin ah oo maanta taagan Buurta Carrafa kuna cibaadeeysanaya

Buurta Carrafo,Malaayiin xujey ah ayaa maanta ku cibaadeysan doono,si ay u gutaan waajibka ugu weyn ee xajka,Xujeeyda ayaa taagnaan doona banka carrafa ilaa qoraxda ay ka dhacdo.

Culimaa’udiinka ayaa sheegaya in gudashada waajibaadka xajka ay tahay tiirarka ugu weyn ee islaamka.

Maalaayiin kale oo ku nool daafaha caalamka oo aan u suuro galin ayaa iyana bilaabay in ay soomaan, taasi oo qeyb ka ah gudashada cibaadada waqtigan, kuwaasi oo eebe ka rajaynaya in uu siiyo dembi dhaaf badan.

Dhanka kale Dowladda Sucuudigu ayaa sheegtay in ay sannadkan dib u celisay ku dhawaad 400,000 oo qof oo aan sidanin waraaqo rasmi ah oo ay ku geli karaan dalka, si ay u gutaan waajibaadka Xajka.

Sannadkan dadka laga celiyey waxa ka mid ah xujayda Iran ee sannadkii hore qaadacay Xajka markii dawladoodu sidaa ka codsatay, ka dib khilaafkii Sucuudiga iyo dalkooda ee ay isku maan dhaafeen shilkii Xajka ka dhacay 2015-kii ee ay 2.300 qof ku dhinteen.