Golaha Ammaanka oo cambaareeyay weerarkii argagixiso ee Muqdisho

Golaha Ammaanka oo cambaareeyay weerarkii argagixiso ee Muqdisho

by A M Monday, Oct 16, 2017 | 1504 views
October 16 (Jowhar)— Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa si xooggan u cambaareeyay weerarkii Argagixiso ee 14-kii bishan ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo lagu bartilmaameedsaday dad shacab ah.

 

Qaraxan ayaa ahaa kii ugu xumaa ee soo mara Soomaaliya, isla markaana ay ku dhintaan dad ka badan labo boqol oo qof, kuna dhaawacmaan illaa saddex boqol oo ruux.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa sheegay inay la murugoonayaan ehelada dadkii ku dhintay qaraxaas, waxayna tacsi u direen dadka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Golaha ammaanka ayaa sheegay in ficilada argagixiso ay qatar ku tahay nabadgelyada iyo ammaanka Caalamka.

Sidoo kale Golaha ammaanka ayaa sheegay in loo baahan yahay in sharciga la horkeeno kooxihii ka dambeeyay weerarkan ama kuwii dhaqaale ku maalgeliyay.

Ugu dambeyn Golaha ammaanka aya asheegay in si dhow ula shaqeyn doono dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.