Meydad hor leh oo laga soo saaray dhismayaasha ku bur buray qaraxii Zoobe

Meydad hor leh oo laga soo saaray dhismayaasha ku bur buray qaraxii Zoobe

by A M Monday, Oct 16, 2017 | 1948 views
October 16 (Jowhar)— Meydad hor leh ayaa laga soo saaray dhismayaasha ku bur buray qaraxii maalintii sabtidii ka dhacay isgoyska Zoobe, iyadoo maalintii labaad uu socdo gurmadka iyo baadigoobka loogu jiro dadka la la’yahay nolol iyo geeri.

 

Meydadka ayaa laga soo saaray dhismayaal ku dhow Hotelka Safaari oo ka mid ahaa goobaha ku bur buray qaraxii weynaa.

Illaa saddex Meyd ayaa laga soo saaray jaamacad ku taal dhabarka dambe ee Hotelka safaari, sidoo kale Meyd kale ayaa iyana laga soo saaray Masaajidka Safaari oo ka mid aheyd meesha ugu badan ee shalay laga soo saaray meydadka.

Sidoo kale labo meyd oo kale ayaa laga soo saaray dhismaha Hey’adda Bisha Cas oo ka mid ah goobaha ku bur buray qaraxii Zoobe.

Wariye ka tirsan Idaacada Kulmiye ayaa sheegaya inuu la baadigoobay hal qof oo ku dhex jira dhismaha bur buray ee agagaarka Hotelka Safaari, waa qof haweeney ah, koox qubaro ah oo ka qeyb qaadanaya baadigoobka ayaa codkeeda oo aad u yar dhageysanaya, iyagoo adeegsanaya qalab.

Gawaarida cagaf cagafyada ayaa si taxadar leh u wada howlaha baadigoobka, iyagoo bur burka dhismayaasha ka faagaya meydadka ku hoos jira.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in illaa 276 ruux ay ku dhinteen qaraxii Zoobe, waxaana laga cabsi qabaa inuu sii kordho tiradaas, marka loo eego baaxada iyo khasaaraha uu geystay qaraxaas oo ahaa kii ugu ballaarnaa ee taariikhda soo mara Muqdisho.