Guddiga Doorashooyinka Galmudug oo soo bandhigay Shuruudaha laga doonaayo dadka u tartamaya Aqalka Sare..

Guddiga Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Maamulka Galmudug, ayaa soo bandhigay Shuruudaha laga doonaayo ruuxa ka u tartamaya Aqalka Sare ee Maamulka Galmudug.

Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Maamulka Galmudug Yuusuf Maxamed oo Saxaafadda kula hadlay magaalada Cadaado, ayaa sheegay gabi ahaanba qof xil Siyaasadeed haaya inuusan u tartami karin Aqalka Sare ee Galmudug.

Waxa uu sheegay qofka doonaya inuu u tartamo xilkaan in laga doonaayo inuusan wax xil ah ka haynin Somaliya.

1:Qof kasta oo haaya Xil Siyaasadeed ee doonaya Aqalka Sare, sida Xubin Baarlamaan, Wasiir heer Gobol ama Taliye ciidan waa inuu iska casilaa xilka uu haayo.

2: Inuu haysto Shahaado Dugsiga Sare ama wax u dhigma.

3: Inuu bixiyo lacag dhan $10,000 oo Doollarka Mareykanka ah taas oo laga rabo xubin kasta oo u tartameysa aqalka sare.

4:In Madaxweynaha Galmudug uu u soo gudbiyo Guddiga Doorashada ruuxa doonayaa inuu u tartamo Aqalka Sare ee dalka ugu dambeyn 5-ta Bisha.

Guddiga Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed ee Maamulka Galmudug, ayaa wuxuu sheegay ugu dambeyn Maalinta Arbacada in laga doonaayo dadka u tartamaya xilkaan inay u gudbiyaan Warqadahooda Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.