Guddoomiyaha Shabaab ee deegaanka Ceelgaras gobolka Galguduud oo la sheegay in la dilay..

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceel Garas ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay halkaasi lagu dilay gudoomiyihii Al-Shabaab u qaabilsanaa deegaanka Ceelgaras ee gobolka Galgaduud.

Dilka ayaa waxaa geystay Askari horey uga tirsanaan jiray askarta ciidanka dowladda Somaliya hadana ka mid ahaa ganacsatada ku nool deegaanka Ceelgaras ee gobolka Galgaduud.

Gudoomiyaha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Faarax Cali Raage sida ay sheegeen dadka deegaanka .

Guddoomiyaha ayaa sheegay askariga horay uga tirsanaa ciidanka dowladda Somaliya in uu ku soo biiro Al-Shabaab ,  madaam horayba uu ula shaqeyn jiray dowladda Somaliya.

Laakiin ninka ganacsadaha ah horeyna uga tirsanaa askarta dowladda Somaliya ayaa arintaasi diiday , ka dibna waxaan la sheegay khilaaf ka dib in uu soo qaatay qori oo uu toogtay gudoomiyihii Al-Shabaab ee deegaanka Ceelgaras Faarax Cali Raage.

Xilliga falka dilka ah uu dhacaayay ayaa Sarkaalka la dilay iyo ciidamo uu watay waxa ay ku sii jeedeen hooyga uu degan yahay ninka dilka geystay, balse iska caabin ayuu kala hor yimid.

Ninka dilka geystay ayaa ka baxsaday goobtii uu ku dilay Sarkaalkaasi ka tirsanaa Shabaab.