Koobka horyaalada Yurub ee UEFA Champions League oo markale furmay iyo daraasin goolala oo ay ku badiyeen kooxaha Fc Barcelona iyo Fc Bayern München

Koobka horyaalada Yurub ee UEFA Champions League ayaa xili ciyaareedkaan mar kale dib u furmay waxaana durbadiiba Darsin Goolal ah ku badiyay kooxaha Fc Barcelona iyo Fc Bayern München oo ku kala jira Guruubyada C & D .

Fc Barcelona ayaa 7-0 ku qaarajisay naadiga reer Scotland ee Celtic waxaana 3 ka mid ah Goolasha Barcelona u saxiixay laacib Lionel Messi , halka goolasha kale ay ka kala raacsadeen Luis Suarez (2-Gool) , Neymar iyo Iniesta oo iyana min hal gool dhaliyay .

Kooxda reer Germany ee Fc Bayern München ayaa 5-0 ku xasuuqaday naadiga reer Russia ee Fc Rostov oo sanadkaan markii ugu horeeysay taariikhda ka qeeyb galaya koobka UEFA Champions League . Fc Arsenal oo aaday garoonka naadiga Paris Saint Germain ayaa waxa ay isla dhaafi waayeen bareejo 1-1 ah .

Kulan dhex mari lahaa kooxda Manchester City ee horyaalka Ingiriiska iyo naadiga Borussia Galadbach oo dalka Jarmalka ka socotay ayaa baaqday ka dib markii uu jawiga aad u xumaaday garoonkana uu qariyay Roob xoogan . kooxaha kale ee Ciyaaray ayaa qaabkaan isku fara saaray .

Group (A)

PSG Vs Fc Arsenal 1-1
Fc Basel Vs Razgrad 1-1

Group (B)

Benfica Vs Besiktas 1-1
Dynamo kiev Vs Napoli 1-2

Group (C)

Fc Barcelona Vs Celtic 7-0
Man City Vs Gladbach ?

Group (D)

Fc Bayern Munchen Vs Rostov 5-0
PSV Eindhofen Vs Atletico Madrid 0-1