Guddoonka labada Aqal ee Barlamaanka Somalia oo Garowe uga qayb-galaya kalfadhiga 40-aad ee Barlamaanka Puntland – VIDEO

Gudoomiyaha Aqalka sare ee Somalia Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa maanta soo gaaray magaalada Garowe isaga iyo xubno kale oo ka tirsan aqalka sare ,waxaana magaalada ku soo dhaweeyay qaar kamid ah madaxda Puntland ugu saraysa.

Safarkan mid lamid ah ayaa sidoo kale waxaa magaalada Garowe ku yimid gudoomiyaha golaha shacabka Somalia Prof. Maxamed Cismaan Jawaari ,waxaana labada gudoomiye ay ka qayb-gali doonaan kalfadhiga 40-aad ee Barlamaanka Puntland oo maalinta bari ah furmaya.

Labada gudoomiye ayaa sidoo kale inta ay joogaan waxa  la kulmi doonaan madaxweynaha Puntland iyo guddoonka barlamaanka ,iyada oo sida la sheegay kulamadaasi lagu soo hadal qaadi doono dhamaynta ismaan-dhaafka ka dhex jira Dowladda Somalia iyo maamulada dalka.

Gudoomiye Jawaari oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in arimaha ugu muhiimsan ee la isla soo qaadi doono ay ku jirto dib u eegista dastruurka Somalia oo bilihii la soo dhaafay uu ka taagnaa muran la xiriira habka loo marayo .

“Waxaan dowladda iyo shacabka Puntland uga mahad-celinaynaa soo dhawaynta balaaran ee halkan naloogu sameeyay ,waxaana ku amaanayaa horumarka ay dhanka nabad-da ka gaareen ” ayuu yiri gudoomiyaha aqalka ssare oo ku baaqay in laga shaqeeyo midnimada  Somalia.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo ku hadlayay magaca madasha ay ku midaysan-yihiin maamul goboleed-yada ayaa sheegay in ay ka qayb-gali doonaan kulanka uu ku baaqay madaxweynaha Somalia ee ka dhici doona magaalada Muqdisho.