Madaxweyne Farmaajo oo gaarey dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaaliga ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Salaasa ah gaarey magaalada Jabuuti, ee Jamhuuriyadda Jabuuti, waxaana uu ka soo kicitimay dalka Itoobiya oo uu gaarey maalintii shalay.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Ambouli International Airport, musiiliyiin uu horkacaayo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf.

Safarka Madaxeynaha Soomaaliya ee maanta ku tegey Jabuuti ayaa noqonaya lugtii saddexaad ee uu ku maro dalalka deriska, waxaana uu horey u soo booqday Uganda iyo Itoobiya oo kamid ah dalalka Soomaaliya ciidamadu ka joogaan.

Madaxweynaha ayaa dalalka deriska kala hadlaya sidii dagaal ballaaran loogu qaadi lahaa al-Shabaab loogana saari lahaa degaanada ay ka taliyaan, kadib qaraxii weynaa ee lagu diley in ka badan 350 qof kaas oo dhacay 14 Oktoobar.

Qaramada Midoobey ayaa wada qorshe lagu yaraynaayo ciidanka AMISOM, si loogu gogol xaaro ka bixitaankooda dalka bartamaha sanadka danbe.