Halkee Trump ku dhuuman kara haduu dhoco weerar Nucliyar ah.

Halkee Trump ku dhuuman karaa haddii uu dhoco weerar nuyuukleer?

Trump waxa god uga qodan qalciida Mar-a-Lago hoosteedaLahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Trump waxa god uga qodan qalciida Mar-a-Lago hoosteeda

Laga soo bilaabo madaxweyne Truman illaa kan hadda jooga ee Trump, madaxweynayaasha Maraykanka waxa ay heysteen god dhulka hoostiisa oo ay kaga gabadaan haddii uu dhoco weerar nuyuukleer ah.

Meel ka mid ah meelaha uu gali karo waxaa ka mid ah god ka qodan Aqalka Cad hoostiisa oo la dhisay sanadkii 1950-kii, kaas oo leh difaacyo aad u adag.

Godka Aqalka CadLahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Godka Aqalka Cad

Gabbaadyada badan ee Trump ayaa muujinaya sida dadka Amerikaanka ah ay muddo badan u fili jireen weerar Nuyuukleer ah oo lagu soo qaado.

Sidaasi oo ay tahay ma jiro god looga badbaadi karo nuyuukleerka haddii godka lala helo duqeynta.

Haddii uu madaxweynaha ka badbaado weerarka koowaad, godka waa meel habboon oo uu dalka ka hagi karo.

Godkan waxaa loo sameeyay Madaxweyne KennedyLahaanshaha sawirka .
Image caption Godkan waxaa loo sameeyay Madaxweyne Kennedy

Sida uu sheegayo ninka lagu magacaabo Robert Darling oo ka tirsan ciidammada Maraykanka, muddo saacado ahna ku qaatay godka Aqalka Cad weeraradii dhacay 2001-dii, waxaa jira dad yar oo loo ogolyahay in ay godkaasi galaan, loona arko in ay muhiim yihiin.

Waxa ay dadka u kala galayaan sida ay u kala darajo sareeyaan.

Daraasad ay Maraykanka sameeyeen ayaa waxaa lagu ogaaday in boqolkiiba 30% dadkii ku dhintay weerarkii nuyuukleerka ee Maraykanka ku qaaday magaalada Nagasaki ee Japan in ay badbaadi lahaayeen haddii ay heli lahaayeen meel gabbaad ah, sidaasi darteed dadka Maraykanka waxaa lagula taliyaa in ay samaystaan gabbaad dhulka hoostiisa ah.

Dowladda Maraykanka waxa ay guud ahaan dalkaas ka dhistay kumanaan godad ah oo qaarna loo dhisay shaqaalaha dowladda, qaarna loo dhisay shacabka, kuwaas oo la isticmaalayo haddii uu weerar dhoco, waxaana xitaa jirta hay’ad dhan oo u qaabilsan difaaca dadweynaha.

Dadka sida gaarka ah u dhistay godadka guryaha hoostooda waxaa ka mid ah haweenayda lagu magacaabi jiray Marjorie Merrinweather Post, waxayna ka dhistay qalcadeeda lagu magacaabo Mar-a-Lago, waxayna dhistay sanadkii 1950-kii markii uu socday dagaalkii Kuuriya, iyada oo baqdin ka qabtay in dagaalka uu Maraykanka soo gaaro.

Godka Kennedy waxaa lagu rakibay waxyaabaha asaasiga ah sida biyaha oo kaleLahaanshaha sawirka .
Image caption Godka Kennedy waxaa lagu rakibay waxyaabaha asaasiga ah sida biyaha oo kale

Trump ayaa qalcadan iibsaday sanadkii 1985-tii, wuxuuna ku tilmaamay meel layaab leh oo aanan la heli karin iyada oo kale.

Xubnaha Aqalka Congress-ka waxaa la galinayaa god gabbaad ah oo ku yaala White Sulphur Springs, Virginia.

Waxaa jira god kale oo la dhisay sanadkii 1961-dii, looguna talogalay madaxweyne J F Kennedy, wuxuuna ku yaalaa saldhig ciidammadda badda ay leeyihiin oo ku yaala jasiiradda Peanut, una dhow Palm Beach, halkaas oo uu Kennedy guri ku lahaa.

Waxaa godkan lagu dhisay lacag $97,000 doolar sida lagu sheegay warbixin Aqalka Congress-ka uu soo bandhigay.

Kennedy ayaa godkan galay afar jeer, xiligaas oo uu samaynayay tijaabo ah sidii uu godka u gali lahaa haddii uu weerar dhoco.