Hay’adda Qaramada Midoobay ee qaxootiga oo xaqiijisay tirada Kenyanka iska dhigaya qaxootiga ee ku sugan xeryaha Dhadhaab ..

Tira koobka Qaramada Midoobay ee dadka magangalyo doonka ah ayaa xaqiijiyay in kumanaan Kenyan ah oo haysta aqoonsiga dalkaasi ay ku noolyihiin xerada qaxootiga ee Dhadhaab.

Barnaamijka xaqiijinta dadka ee la sameeyay sanadkan, ayaa hay’adda Qaramada Midoobay ee Qaxootiga ku ogaadeen in dadka Kenyanka ah, ay ku noolyihiin xeryaha, iyago u diiwaan gashan sida qaxootiga.

“Guud ahaan 24.655 qof ayaa qirtay in ay yihiin Kenyan diiwaangashan sida qaxootiga,” ayaa lagu yiri warbixin ay hay’adda daabacday todobaadkii hore.

Waxay inta ku dareen: “In 3.355 oo qoys ama (15,799 qof), ugu yaraan hal qof oo ka mid ah ay codsadeen ama heystaan kaarka aqoonsiga Kenya.

“iyada oo tirada shakhsiyaadka loo aqoonsaday “in ay laba meel ka diiwaangashanyihiin” ama saamaysay “diiwaangelinta labada meel ” isugeyntooda tahay 40.454 “.

Natiijooyinka ayaa xaqiijiyay qiyaasti hore ay daabacday hay’adda bishii July markii ay sheegeen in ilaa 42,000 oo Kenyan ah ay ku noolyihiin qaxootiga Dhadhaab.

Hay’adda ayaa horay u sheegaytay in kooxdan sidoo kale la celin doono ama dib loogu raro deegaankooda taasoo qeyb ka ah dadaalka la doonayo in lagu yareeyo culayska xerada.