Bandhig Dhaqameed Soomaaliyeed oo lagu soo bandhigay dalka Bakistaan

Bandhig dhaqameed ay soo qaban qaabiyeen guddiga ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacadda Karachi ayaa lagu qabtay Magaalada Karachi,Munaasabaddan waxaa kasoo qeyb galay hormuudka kuliyadaha jaamacaddaasi,macalimiin iyo arday badan.

Xafladdaan oo socotay dhowrsaacadood ah ayay ardayda Soomaalida ee Jaamacadda  Karachi kusoo bandhigeen waxyaalaha hiddaha iyo dhaqanka u ah dadka Soomaaliyeed, taariikhda wadanka ,cunto Soomaali iyo  qaar ka mid ah cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Xaflada ayaa  soo jiidatay boqolaal ardey oo u dhashay wadanka Pakistan, kuwaas oo xiiseynayey iney wax ka ogaadaan dhaqanka Soomaalida , waxaana halkaas ku soo dhaweeyay gudiga ardeyda Soomalida ee Jaamacadda Karachi, iyagoo qof qof iyo koox kooxba si guud ugu sharaxayey  dhaqanka iyo taariikhda wadankeena.

Xaflada oo aheyd mid  si qurrux badan loosoo agaasimay ayaa waxaa furey guddoomiyaha ardeyda Soomalida Jaamacadda Karachi mudane C/risaaq Mohamed Cali (kalaay) waxuuna ku soo dhaweeyey marti sharafta, isagoo ku dheeraaday inuu wax badan ka sharaxo sooyaalka taariikhda Soomalida mid dhaqan dhaqaale, iyo waxyaabaha dhaqanka u ah Umadda Soomaaliyeed

Waxaa intaas kadib halkaasi lagu soo bandhigay astaanta Qaranka Soomaaliya, iyadoo kasoo qeyb galayaashii u istaageen si ay xushmad ugu muujiyaan ardayda Soomaaliyeed.

Hormuudka kuliyada pharmacy ee jaamacadda Karachi Sir eqbal Azhar oo hadlay waxuu umahad celiyey qaban qaabiyayaasha xaflada, waxuu kaloo ammaanay ardayda Soomaalida ee dhigata kuliyada pharmacy oo ah kuliyada ugu badan ee Soomalida jaamacada Karachi wax ka bartaan.

Hooyo Tanzeem adam oo ah hormuudka kuliyada micro-biology oo hadalka qaadatay waxay ka sheekeysay Soomaalida xiligeeda waxbarashada Jaamacada ay isku waqtiga ahaayeen iyo sidii ay  u dadaal badnaayeen, iyadoo xustay ardey Soomaaliyeed oo buundo fiican ka keeni jiray imtixaanaadka.

Ugu dambeyntii martida waxay guda galeen iney cunaan cunto Soomaali loo diyaariyey kasoo qayb galayaasha,xafladda oo soo gaartay galabnimadii waxay qayb ka ahayd asbuuca ardayda (student week) oo sanadkii labo mar lagu  qabto Jaamacadda  waxayna ku soo dhamaatay jawi farxadeed oo dagan.

xaflad-2xaflad-3xaflad-4xaflad-5xaflad6xafladii-7