Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un oo ka dagay dalka Singapore isaga oo halkaas kulan kula leh madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa ka dagay dalka Singapore isaga oo halkaas kulan kula leh madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Kulankan taariikhiga ah ayaa ka dhici doona jasiiradda loo tamashle tago ee Sentosa maalinta Talaadada ah.

Waxayna noqon doontaa markii koobaad ee madaxweyne Maraykan ah oo xil haya uu la kulmo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

Intii uusan Trump u duulin shirka wuxuu kulankaas ku tilmaamay “fursad qur ah oo lagu beegsan karo” nabadda wuxuuna intaas ku daray in labadoodu ay arrinta si dhab ah ugu soo jeedaan.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Singapore Vivian Balakrishnan ayaa Twitterka soo galiyay sawirka Kim ka dib markii uu jasiiradda dalkaas cago dhigtay.

Xiriirkii labadan masuul soo dhexmaray 18kii billood ee u dambeeyayna wuxuu ahaa mid kaaf iyo kala dheeri ah.

Mar bay isugu hanjabeen dagaal lagu halaagsamo, haddana waxay go’aansadeen in ay is hor fariistaan.

Labada masuul waxay la kulmi doonaan ra’iisulwasaaraha Singapiore Lee Hsien Loong ka hor inta aysan yeelanin kulan fool ka fool ah.