Warar is khilaafsan oo ka soo baxaya deegaanka Sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya deegaanka Baar-Sanguuni ee gobolka Jubbada hoose oo maalintii shalay weerar Ismiidamin ah ka geysteen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab.

Sidoo kale Jimihii ina dhaafay weerar Al-shabaab ay ka geysteen deegaanka ayaa lagu dilay Askari Mareykanka ah, iyadoo Afar kalana lagu dhaawacay weerarka.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamadii halkaa ku sugnaa dib uga soo gurteen saldhigyadii ay degenaayeen kaddib markii ay kordheen weerarrada ay halkaa ka geysanayaan Al-shabaab.

Ciidamada Soomaalida oo tiradooda ay gaareyso 480 askari ayaa iyaguna xalay baneeyay deegaankaasi, waxayna uga soo baxeen safar dhanka dhulka ah, saqdii dhexe ee xalayna waxay ku hoydeen meel u dhow deegaanka Yoontooy, oo 20-KM dhanka waqooyi kaga toosan Magaalada Kismaayo.

Hasse ahaatee warar kale ayaa sheegaya in ciidamada ka baxay Baar-Sanguuni ay ku sii siqayaan saldhigyo fariisimo kale oo ay Al-shabaab ku leeyihin deegaanka Jubbada Hoose sida lagu daabacay wakaalada Wararka Qaranka Soomaaliyeed.

Deegaanka Baar-Sanguuni ayaa maalmihii la soo dhaafay waaxaa ka dhacayay dagaalo iyo Shalay Gelinkii dambe oo ka dhacaay Qarax Ismiidaamin ah oo lagu weeraray saldhigga ciidamada kumaandooska Soomaaliya inkastoo aysan jirin khasaare ka dhashay.