(08/08/2016) Hoos u dhac ku yimid ganacsiga Shiinaha bishii July, ayaa sii badiyay walaac laga qabo ganacsiga adduunka

Wax dhoofinta Shiinaha ayaa hoos u sii dhacay bishii July, iyadoo kordhisay walaac laga qabo dhaqaalaha adduunka.

Dhoofinta Shiinaha ayaa hoos u dhacday 4.4%, iyadoo sanad ka hor ay hoos u dhacaday 4.8% bishii June, taasoo ah mid ka hoosaysa sidii la saadaalinayay.

Alaabada dibadda laga soo iibsado ayaa sidoo kale hoos uga dhacday sidii la saadaalinayay, iyadoo hoos u dhacday 12.5%.

Iyadoo Shiinaha uu muhiim u yahay kororka dhaqaalaha adduunka, xogta ayaa loo arkaa sia uu u ekaan doono dhaqaalaha adduunka.

Dhoofka Shiinaha ayaa hoos u dhacay 12 bilood ee 13-kii bilood ee la soo dhaafay.

Hubaal la’aanta dhaqaalaha adduunka ee ka timid hoos u dhac ku yimid qayraadka dabiiciga, dhibaatada ammaahda lagu leeyahay waddamada Yurub iyo ka bixitaanta Uk ee Midowga Yurub ayaa saamaynaysa dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha adduunka.