(08/08/2016) Ciidanka Dannab ee Gaalkayo tagay oo la sheegay in Amniga Magaaladaas ay sugayaan”Sawiro”

Ciidamo ka socda Milateriga Soomaaliya ee DANAB ayaa ku sugan Gobalka Mudug,waxaana la sheegay iney u yimaadeen sidii ay u xaqiijin lahaayeen amniga Koonfurta iyo waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo, Maxamuud Yaasiin Tumay oo ka hadlay Shir looga hadlayay amniga ayaa Sheegay in Ciidamada DANAB ay si wada jir ah uga shaqayn doonaan Koonfurta iyo Waqooyiga.

Qaraxyo iyo Dilal ayaa ka dhaci jiray Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug,waxaana la sheegay in amni daradaasi ay ka dhalatoy wada shaqayn la’aanta Ciidamada Puntland iyo Galmudug.

koo2 koo3 koo4