
Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya ayaa dib u bilaabey xoojinta xiriirka dalkiisa iyo Dowladda Federaalka ah, kadidb doorashadii 2016-2017, markaas oo Madaxweynihii xilka hayey ay kala fogaadeen Safiirka Imaaraadka u fadhiyey Muqdisho Danjire Maxamed Axmed Cismaan al-Hammadi, Waxaana uu dhamaadkii sanadkii 2016 bilaabey in uu ku shaqeeyo dalka Kenya.
Danjire Maxamed Axmed Cismaan al-Hammadi ayaa maalintii shalay kulan gaar ah la qaatey Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Yusuf Garaad Cumar, waxaana ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga. Safiirka ayaa ballan qaadey in ay dardar gelinayaan fulinta heshiisyo horey labada dal u galeen oo la xiriira arrimaha amaanka iyo dhaqaalaha.
War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in Yuusuf Garaad uu boggaadiyay kaalinta dowladda Imaaraat-ka Carabtu kaga aaddan taageeridda Soomaaliya, waxaana uu ku sheegay in xiriirka labada dal uu ka dhigan yahay tusaale, halbeegiisu yahay isdhaafsi xushmad iyo iskaashi miro-dhala.
Danjire Maxamed Axmed Cusmaan Al-Hamaadi ayaa sheegay in Dowladdiisu ay sare u qaadi doonto kaalmada ay siiso Soomaaliya, taasi oo qeyb ka ah dardargelinta iyo fulinta heshiisyo dhinacyo badan leh oo labada dal ay hore u gaareen oo ka shaqeynaya dano wadaaga.
Dhanka kale, Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mr. Mukhtar Mahad Daud ayaa kulan gaar ah oo xoojinayay kulanka hore ee Wasiir Garaad, ayaa waxa uu ku qaabilay xafiiskiisa Danjire Mohamed Al Hammadi, waxa ayna kaga wada hadleen arrimaha ammaanka, siyaasadda iyo dhaqaallaha.
Dowaldda Imaaraadka ayaa qayb ka ah xulafada Sucuudigu hoggaamiyo ee cunno qabetynta ku soo rogay dalka Qatar, sidoo kale waxay qayb ka tahay isla xulafada Sucuudiga ee dagaalka ku haya dalka Yemen, waxaana ay isticmaalaan hawada Soomaaliya. Dowladda federaalka ayaa mowqif dhex-dhexaad ah ka qaadatey xasaradda Khaliijka, kaas oo loo fasirtey in ay ku taageertey dalka Qatar, qaar kamid ah Dowald goboleedyada ayaa ugu baaqey Dowladda federaalku ay dib u eegto go’aankeedi kaas oo aan weli dhicin.
Horseed Media