(12/08/2016) In kadan 70 ka mid ah xisbiga Jamhuuriga ee dalka Marykanka oo loogu baaqay in aysan maalgalinin ol’olaha Trump

In kadan 70 ka mid ah xisbiga Jamhuuriga ee dalka Marykanka ayaa saxiixay waraaq una diray madaxa guddiga sare ee xisbig iyaga oo ku doodaya in la joojiyo maalgalinta ol’olaha Donald Trump.

Waxay sheegeen in siyaasadda kala qaybinta ah ee Trump iyo sida uusan ugu qalmin booskan ay halisgalinayso in xisbigu uu quuso marka la gaaro doorashada bissha kaw iyo tobnaad.

Warqadaas waxaa lagu sheegay in xisbigu diiradda saaro difaacidda murashaxiinta aan cagaha adag ku taagnayn ee Senet-ka iyo baarlamaanka.

Qaar ka mid xubinihii hore ee Congress-ka ayaa ku jira dadka sixiixay waraaqdaas.

Warqaddu waxay intaas ku dartay in go’aankaasi uusan noqonaynin mid adag maadaama oo ay hoos u sii dhacayso fursadda uu Trump madaxwayne ku noqon karo.

Trump oo arrintaas ka jawaabayana wuxuu sheegay in uusan wax walaac ah ka qabin in xisbigu uu gooyo ama takooro.