(12/08/2016) Wafdigii ka socday Midowga Jaamacadaha Carbeed oo Muqdisho loogu sameeyey xaflad sagootin ah (Sawiro)

Wafdigii ka socday Ururka Midowga Jaamacadaha Carabta ee maalmahan martida u ahaa Jaamacadda Banaadir ayaa shalay waxaa qado sharaf sagootin ah loogu sameeyey xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Xafladan oo ay soo agaasimeen maamulka Jaamacada Banaadir ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay xubno ka tirsan goleyaasha Baarlamanka iyo xukuumada Somalia, maamulada labada Jaamacadood ee Banaadir iyo Muqdisho, aqoonyahano iyo xubno kale.

Dr. Suldan Abu Curabi oo ah gudoomiyaha ururka Midowga Jaamacadaha Carbeed oo hadal kooban ka jeediyey munaasabadan ayaa ka mahad celiyey sida walaaltinimada leh ee dalka loogu soo dhoweeyey isaga iyo wafdigiisa.

“Ma garanayno wax aan ku qiimeyno soo dhoweynta aad noo sameyseen, waxayna taasi cadeynaysaa heerka ay gaarsiisan tahay walaalnimada adag ee naga dhexeysa, horey ayaan u maqlay in Soomaalidu ay yihiin dad martisoorka ku fiican, laakiin anagu marti ma nihin waxay la mid tahay anagoo dalkeena joogna” ayuu yiri Dr. Suldan Abu Curabi oo shacabka Soomaaliyeed u rajeeyey nabad taam ah iyo barwaaqo.

Prof. Cismaan Maxamuud Dufle oo ah xildhibaan gudoomiye ka ah guddiga adeega bulshada ee Baarlamanka Somalia oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in Soomaaliya iyo wadamada Carabta uu ka dhexeeya xiriir soo jireen ah oo walaaltinimo dhinacyo badana taabanaya.

“Imaanshaha wafdigan culus ee ka socda Midowga Jaamacadaha Carbeed waxay muujineysaa nabada iyo horumarka ka jira dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho, walaalaheena waxaan sagootinaynaa anagoo jecel weli iney noo sii joogaan” ayuu yiri Prof. Dufle.

Gudoomiyaha Jaamacada Banaadir Dr. C/risaaq Axmed dalmar oo ereyo kooban munaasabada ka jeediyey ayaa uga mahad celiyey wafdigan booqashada ay ku yimaadeen Somalia, wuxuuna xusay xiriirka Jaamacada Banaadir iyo ururka Midowga Jaamacadaha Carbeed uu hadda ka dib joogto noqon doono maadaama Jaamacadu ay xubin buuxda ka noqotay ururkan.

Wasiir ku-xigeenka wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare Xaamud Cali Xasan oo isna gebagebadii munaasabadan ka hadlay ayaa ugu hambalyeeyey Jaamacada Banaadir xubinta ay ka noqotay ururka Midowga Jaamacadaha Carbeed, isagoo xusay iney tahay guul u soo hoyatay Jaamacada iyo bahda waxbarashada Soomaaliyeed.

“Wafdigan waan ku bogaadineynaa booqashada ay ku yimaadeen dalka iyo howlaha ay qabteen, marka aan aragno walaalo dibeda nooga yimid oo naga saacidaya dhinaca kobcinta aqoonta, waxay dhiirigelin u tahay wasaarada oo dedaal ugu jirta sidii loo horumarin lahaa aqoonta” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka.

Waxaa munaasabadan sidoo kale khudbad kooban ka jeediyey guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Prof. Cali Shiikh oo ku dheeraaday taariikhda xiriirka walaalnimo ee ka dhexeeya carabta iyo Soomaalida iyo waliba danaha ka dhexeeya, waxaana goob joog ka xafladan agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare Maxamed Yuusuf iyo xubno kale, waxaana ugu dambeyn munaasabadan hadiyado ka koobnaa calanka Somalia iyo qalabka hidaha dhaqanka lagu gudoonsiiyey wafdiga ka socday Midowga Jaamacadaha carbeed oo saaka oo Jimco ah ka dhoofay magaalada Muqdisho.

Wafdiga ayaa intii ay joogeen waxay booqdeen xarumaha jaamacada Banaadir, iyagoo u kuur galay habka ay waxbarashadu uga socoto, waxayna intaas ka dib ku dhowaaqeen in jaamacada Banaadir loo aqoonsaday iny xubin buuxda ka noqoto ururka midowga jaamacadaha carabta ee fadhigiisi yahay wadanka Jordan.