Israa’iil: Iraan madaafiic ayey ku sameysaneysaa gudaha Suuriya

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa sheegay in Iraan ay warshado hub ka dhiseyso Suuriya iyo Lubnaan si ay u soo saarto madaafiicda dhulka laga hago.

Benjamin Netanyahu ayaa Iiraan ku eedeeyay in Suuriya ay u badalayso “Xero militari taas oo qeyb ka ah ujeedadeeda ay Israa’iil ku baabi’ineyso”.

Ciidamada Iiraan ayaa taageero siiyo madaxweyne Bishar Al-Asad oo mucaarad dagaal kula jiro iyo ururka Xisbullah ee Lubnaan.

Hadalka Netanyahu ayaa soo baxay xilli uu kulan la lahaa Xughayaha Guud ee Qaramada Midoobey António Guterres oo booqasho ku tagay Qudus.

Mr Guterres ayaa booqanaya gobolka markii ugu horeysay tan iyo markii uu xilka qabtay.

Netanyahu ma uusan bixin faafaahin ku saabsan dhismaha uu sheegay ee gantaalada lagu sameeyo, laakiinm wuxuu ku hanjabay “Arrinta ma ahan mid ay Israa’iil u dulqaadaneyso”.

Laba isbuuc ka hor, dayaxgacmeed Israa’iil leedahay ayaa sawiray dhismo lagu sheegay warshad.

Waxay sheegtay inay u muuqato in isku mid ay yihiin warshad kale oo Mucaaradka dowladda taageersan ay sheegeen in laga dhisayo Woqooyi-Galbeed, Suuriya, ayna Iiraan maalgelineyso.

Majiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Iiraan oo ay uga jawaabeyso eeda loosoo jeediyay.