Kuuriyada Woqooyi oo gantaal dul marisay Japan

Kuuriyada Woqooyi ayaa gantaal ay ridday dul marisay woqooyiga Japan oo wuxu ku dhacay badda.

Ciidamada Japan iskuma ay dayin in ay soo ridaan ama dhexda ku qabtaan gantaalkaa in kasta oo raadaalladu markiiba digniin bixiyeen, waxaana gantaalkaa la riday aroornimadii hore ee saaka.

Ra’isal wasaaraha Japan, Shinzo Abe, ayaa ku tilmaamay gantaalkaa la dul mariyey dalkiisa khatar “aan hore loo arag”.

Beryahan dambe waxa Kuuriyada Woqooyi ridaysay gantaalo badan oo tijaabo ah, hase yeeshee dhif iyo naadir bay ahayd in ay dul mariso Japan gantaalahaa ay ridaysay.

Jimcihii iyo Sabtidii ayaa Kuuriyada Woqooyi waxay ridday saddex gantaal oo nooca ridada dhexe ah waxaanay ku dhaceen meel ka baxsan xeebaha bari ee dalkaas.

Gantaalkan la riday markii uu dul maray Japan waxa markiiba fariimaha digniinaha ah diray raadaallada dalkaas, hase yeeshee idaacadda dawladda ee NHK ayaa sheegtay in aanu wax khasaare ahi dhicin.

Ra’isal wasaare Abe ayaa gantaalkan loo ganay xaga dalkiisa ku tilmaamay “fal laga cadhoodo” iyo in uu yahay “khatar halis ah oo aan hore u dhicin taas oo dhaawacaysa nabada iyo nabadgelyada gobolka”. Waxaan intaa ku daray in xukuumadiisu qaadayso wax kasta oo ay nolosha shacabka ku ilaalinayso.