Israa’iil oo xuseysa guushii ay ka gaartay dagaalkii Carabta

Munaasabadda 50 sano guuradii ka soo wareegtay dagaalkii lixda maalmood ee dhex maray Israa’iil iyo Carabta ayaa haatan ka socda Israa’iil waxayna maamuuseysaa guushii ay ka gaartay dagaalkaasi oo ay ku qabsatay waddamada Carabta ee deriska la ah.

Dhanka kale, Falastiyiniinta ayaa ku baaqaya tallaabo caalami ah oo lagu soo afjarayo haysashada Ssraa’iil ay haysato dhulka ay qabsatay sanadkii 1967-dii, waxayna doonayaan in mustaqbalka ay helaan waddankooda.

Kontan sano ka hor israa’iil waxay weerar la yaab leh ku qaaday ciidammada cirka ee Masar halkaasi oo ay ku burburisay inta badan agabka ciidammada cirka Masar.

Weerarka Israail ayaa ka danbeeyay ka dib daandaansigii xukuumada Qaahira islamarkana taasi oo israa’iil gacan ka siisay in guul ka gaarto dagaalka socady mudada kooban oo ay sidoo kale ka qayb qaateen dalalka Jordan iyo Suuriya.

Israa’iil ayaa dagaalkaas ku qabsatay dhul ka tirsan saddex dal oo Carbeed oo ay ka mid tahay marinka Qaza ,daanta galbeed iyo bariga magaalada Qudus.

Israa’iil ayaa dib u xusuusanaysa waxay u arkaan gabagabada hamigii dadka Yahuuda ay ku taamayeen 2 kun oo sano taasi oo ahayd in ay dib ugu laabtaan magalada Qudus iyo goobaha barakaysan.

Falastiiniyiinta ayaa u isticmaalaya xuskani in ay ku baaqaan in la qaado tilaabooyiin cusub oo ka dhan ah deegaamaynta ay wadaan Israa’iil iyo in Falastiin loo aqoonsado dal ay leeyihiin islamarkana ay xuduudahiisa ku salaysan yihiin kii 1967-dii.