Ismaaciil Buubaa oo horey xilal uga soo qabtay Somalia oo loo diiday in uu ka dhoofo Garoonka Hargeysa

Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka SNM  ayaa sheegaya in Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa shalay loo diiday in uu ka dhoofo garoonka Diyaaradaha magaalada Hargeysa xili uu kusii jeeday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Ciidamada Laanta Socdaalka Garoonka magaalada Hargeysa ayaa is hortaag ku sameeyay Ismaaciil Hurre Buubaa in uu ka dhoofo Garoonka , waxa ayna ka reebeen diyaaradii uu doonayay in uu u raaco magaalada Nairobi.

Siyaasiga Ismaaciil Hurre buubaa oo horay xilal kala duwan uga soo qabtay dowladihii Soomaaliya soo maray hadana katirsan Xisbiga Mucaaradka ee Wadani ayaa sheegay in wali uu garan la’yahay sababta loogu diiday in uu ka dhoofo Hargeysa.

Waxa uu sheegay in jidgooyo loo dhigtay safarkiisa arintaasna ay tahay mid aan la aqbali karin, waxa uu tilmaamay in uu kusii jeeday magaalada Nairobi uu dano u gaar ah u aadayay balse loo diiday in uu dhoofo iyada oon loo sheegin sababta.

Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa Wasiirkii hore Arimaha Dibada Soomaaliya ayaa watay basaaboorka Soomaaliya xiliga uu doonayay in uu ka dhoofo Garoonka magalaada Hargeysa, waxaana loo maleenayaa sababtaasi in loogu diiday safarka.

Waxa uu sheegay Mr Buubaa in Siyaasiyiinta iyo Masuuliyiinta SNM in dhamanatood ay wataan Baasaboorka Soomaaliya dalkan uga dhoofaan, waxa uuna meesha ka saaray in sababtaasi ay tahay mida loogu diiday in uu safro.

Maamulka SNM iyo Madaxda Laanta Socdaalka ayaa dhankooda ka hadlin sababta Siyaasigan katirsan Xisbiga Mucaaradka Wadani loogu diiday in shalay ka dhoofo garoonka Diyaaradaha magaalada Hargeysa.