Jawaari “Axsaab Siyaasadeed oo uu dalku yeesho waa muhiim, si loogu gudbo…”

Jawaari “Axsaab Siyaasadeed oo uu dalku yeesho waa muhiim, si loogu gudbo…”

by A M Saturday, Jul 29, 2017 

July 29 (Jowhar)— Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay inay muhiim tahay in la dhiso Axsaab siyaasadeed oo uu dalka yeesho, si loo gaaro himilooyinka la hiigsanayo mustaqbalka.

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in loo baahan yahay in la dhameystiro, dhamaan sharciyadii lagama maarmaanka u ahaa dhismaha Asxaabta Siyaasadeed.

“Axsaab Siyaasadeed in dalka uu yeesho waa muhiim. taas ayaa keeneysa in doorasho qof iyo cod timaado, waa arrin loo baahan yahay in si qoto dheer looga hadlo”ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.

Mr Jawaari ayaa sheegay in siyaasiyiinta ay xaq u leeyihiin inay sameystaan xisbiyo ay ku mideysan yihiin, isla markaana loo baahan yahay in la dedejiyo dhismaha axsaabta siyaasadeed ee dalka uu yeelanayo.

 

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa laga doonayaa in 20-kii Xildhibaan ay ka mid noqdaan Xisbi Siyaasadeed, si dalka uga gudbo hanaanka 4.5 ee wax lagu dhiso.