Booliska Jarmalka: Ninka dadka laayey xag-jir la yaqaan buu ahaa.

Booliska Jarmalka: Ninka dadka laayey xag-jir la yaqaan buu ahaa

.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image caption.

Ninka qofka ku dilay toorayda lixda kalena ku dhaawacay tukaanka ku yaal magaalada Hamburg ee dalka Jarmalka ayaa boolisku sheegeen in uu ahaa “Islaami xag jir ah”.

“Wuxu ahaa nin Islaami xag jir ah laakiin jihaadka uma heellanayn” ayuu yidhi af-hayeenka booliska Andy Grote, waxaanu farta ku fiiqay in ninkan weerarka qaaday uu qabay “xanuunnada nafsaaniga ah”.

Ninkan weerarka qaaday ayaa la sheegay in loo diiday magangelyadii uu dalbaday, waxaanu u dhashay dalka Imaaradka Carabta. Jimcihii ayaanu dad macmiila oo tukaankaa wax ka iibsanayey la dhex qaaday toorray.

Boolisku waxay sheegeen in uu falkaa keli ku haa oo markii dambena ay dad shacaba oo goobta joogay iskugu tageen oo qabteen.

Waa 26 jir waxaanu qabay xanuunnada maskaxda ku dhaca sida ay saraakiil shir jaraa’id ka hadashay sheegeen.

Boolisku waxay ammaaneen saddexda nin ee ku dhiiraday ninkaas toorrayda sitay in ay qabtaan oo ay ku sheegeen geesiyaal. Dad goob joog ahaa ayaa iyaguna sheegay in dadkii shacabka ahaa ee goobta joogay qaarkood Af-Carabi kula hadleen oo iyagoo qaylinaya ninka ku lahaayeen midida dhig.

Haweeney 50 jir ah iyo afar nin oo da’doodu u dhaxayso 19 ilaa 64 ayaa uu toorrida la dhacay, nink kale oo 35 jir ahna isagoo qof dhaawacmay qaad is leh ayuu isagan dhaawacay ninka dadka weeraray.