Kenya oo dadajinaysa dhismaha derbiga xadka ay la wadaagto Soomaaliya

Dawlada Kenya ayaa damacsan inay dadajiso dhismaha derbiga xadka kala dhexeeya Soomaaliya.

Kenya ayaa khaasatan damacsan dadajinta 30 km oo gidaarkaa ah si Al-Shabaab weeraradooda loo hakiyo. Saraakiil ka tirsan dawlada Kenya ayaa sidaa sheegay shalay Jimcihii.

Guddoomiyaha degmada Mandheera Fredrick Shisia ayaa warbaahinta u sheegay in gidaarkaa gebi ahaanba la dhammaystiri doono dhismihiisa bisha kowaad ee sanadka soo socda ee  2017.

“Hawsha waxaa lagu idleyn doonaa muddo 75 maalmood ah oo ka bilaabata maanta,” ayuu yiri.

Bishaan gudaheeda ayaa 19 qof ugu yaraan waxaa lagu dilay weeraro dabley loo maleeyay Al-Shabaab ay ka fulisay gudaha magaalada Mandheera.