Alshabaab oo dadweynaha magaalada Jilib ku amartay isku soobaxo khasaba

Al Shabaab ayaa bandhig nuucyo kala duwan ah oo ciwaan looga dhigay ”noqo Daaci” ,waxa ay ku qabatay fagaare weyn oo kuyaala magaalada Jilib ee gobolka Jubada Dhaxe.

Bandhigan oo ahaa mid nuucyo kala duwan isugu jiray ayaa waxaa usoo daawasho tagay Boqolaal dadweyne ah oo ku dhaqan Degmada Jilib, waxaa sidoo kale bandhigan daawanayay saraakiil iyo xubno kale oo katirsan masuuliyiin Al Shabaab.

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa intii uu socday bandhiga waxa ay halkaasi kusoo bandhigeen dhoolo tus ay sameenayeen, waxa ay sidoo kale bandhigay lagu qabtay tartamo loo sameenayay dhalinyaro kala duwan ay ku jiraan kuwa xubno ka ah Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa mararka qaarkood deeganaada ay ka taliyaan waxa ay kusoo badhigaan mahrajaano ay u qabtaan dagaalyahanada iyaga katirsan, waxa ay sidoo kale fagaarayaasha kusoo bandhigaan tartamo nuucyo kala duwan ah.